المدة الزمنية 2:1

Xog Qarsoon Abaabulka ka socda Gudaha Dalka & Dagaalka oo billaabanaya,Xamse ,Xasan Sh ,Mahad Salad

840 مشاهدة
0
170
تم نشره في 2023/08/06

#Somalia_Hanoolaato_TV,#Puntland ,#xasan_sheekh,#Laascaanood,#ssc_khaatumo,#somaliland Madaxweynaha Jamhuuriyaada Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la filayaa Maanta oo Sabti ah ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug. Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee uu ku tagayo magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegaya in halkaas uu madaxweynaha kaga dhawaaqi doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Maalin ka hor waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo isugu jiray Xildhibaano ka tirsan laba Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ‘ qaar ka mid ah ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha iyo Saraakiil . Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa aad loo adkeeyay waxaana Xarunta Madaxtooyada Magaladaas iyo wada wadada garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb la geeyay Ciidamo aad u tiro badan kuwaas oo xaqiijinaya Amniga Magaaladaas . Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo lagu wado in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaaladaas

الفئة

عرض المزيد

تعليقات - 0